Sawirro: Itoobiya oo soo dhaweyn aan horey loo arag u sameysay madaxweyne Farmaajo

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka Addis ababa ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Deslegn iyo madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Soo dhoweynta oo ahayd mid aad weyn oo aan hore loo arag ayaa lagu maamuusay qaabka madaxda dalalka waaweyn, waxaana la sheegay inuu Farmaajo joogi doono Addis ababa muddo laba maalmood ah, isagoo wadaahdal la yeelan doona madaxda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga bilaabatay Addis Ababa booqasho qaran oo qaadan doonta labo cisho, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay joogaan Addis Ababa booqan doono goobo kala duwan oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Federaalka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu madaxda dalka Itoobiya uu kala xaajoon doono arimo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale Iskaashiga dhanka Amniga, iyo waliba arimo ku sabsan ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaiya.

Waa Safarkiisii koowaad ee uu Itoobiyo ku tago tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay bishii labaad e sanadkaan , waana booqashadii labaad ee uu dalalka dariska ku tago  halka isla safarka maanta uu yahay socdaalkiisii 6-aad ee uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya.

Farmaajo ayaa hore u tagay dalalka Sucuudiga , Kenya ,Imaaraada, Jordan, iyo Turkiga , halka Safarkiisa maanta ee Itoobiya uu yahay kiisii 6aad.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET