Daawo Sawirro: Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo si ballaaran u xusay Maalinta Saxaafadda Adduunka

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn u magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ugu xusay Maalinta Saxaafadda Adduunka, iyaga isugu jira gabdho iyo wiilal.

Munaasabad uu soo qaban qaabiyay Ururka NUSOJ oo ay taageereyso Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho ,Garowe ,Kismaayo ,Adado ,Baydhaba iyo Jowhar.

Wariyayaasha Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay shardi u tahay xorriyadda warbaahinta iyaga si isla mid ah ugu baaqay dhamaan dhinacyda oo dhan in ay ixtiraamaan xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow ) iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo wariyayaasha dabbaal degga kula qeybsaday Beerta Nabadda ayaa muujiyay in ay ka go’an tahay in wariyayaasha gacan ku siiyaan howshooda muhiimka ah waxana wasiirka uu ku tilmaamay wariyayaasha in ay yihiin geesiyayaal u shaqeynaya shacabkooda .

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating iyo kooxda xafiiskiisa ayaa saaka la quraacday xubno ka socday saxaafadda madaxa bannaan oo uu hogaaminyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Munaasabad ka dhacday xarunta Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Suxufiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan,

Dadkii fagaaraha beerta nabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa wariye C/llaahi Muuse Kalgacal oo shalay xabsi ka soo baxay, waxaana uu u mahad celiyay NUSOJ oo dadaal u gashay sii deyntiisa, isagoo meesha ka saaray warar beryihii la soo dhaafay lagu qorayay baraha bulshada in wariyayaashu ay iloobeen xaragiisa.

Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Adduunka awgeed hoggaanka NUSOJ waxa ay hambalyo u dirayaan wariyayaasha Soomaaliyeed oo muujiyay dhabar adeyg xilli ay jirto tacdiyo loo geysanayo bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale NUSOJ maalintii shalay ee Talaadada aheyd waxa ay dood cilmiyeed ku saabsan Sinnaanta Cadaaladdaiyo Sida ay Shardi u Tahay Xorriyadda Hadalka ku qabteen hotelka Jazeera.

Waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Xildhibaan Khaalid Macow iyo Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac . Avv Cumar Dhageey , Yusuf Hassan Isak oo rug caddaa saxaafdeed iyo Wali Hashi oo saxafi dalal badan oo adduunka ka soo shaqeeyay ayaa waayaragnimadooda la wadaagay tifatirataasha warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.