Sawiro: Madaxweyne Muuse Biixi oo gaaray dalka Gini

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa gaaray Caasimada dalka Jamhuuriyadda Gini ee bariga Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Muuse Biixi aya marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa sii diiran u soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini Mudane Mamadi Toure.

Kulan gaar ah ayaa labada mas’uul waxa ay ku yeesheen qeybta VIP-da ee gudaha garoonka Conakry International Airport.

Intaasi kadib ayaa diyaarad qaas ah wafdiga ka socda Somaliland ee hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi looga qaaday halkaasi, taas oo geysay madaxtooyada Gini.

Lama shaacin u jeedka rasmiga ah ee uu la soo xariiro socdaalkan, balse maanta ay la filayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan danahooda gaark ah.

Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay sare qaadeysay xiriirkeeda arrimaha dibadda, iyada oo si toos ula fal galeysay wadamo badan oo ku yaalla Qaaradda Africa.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com