Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay BARI

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad ilaalo u ah koox Tahriibka ka shaqeysa oo ku sugan halkaasi.

Sida la sheegay ciidamada Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa weeraray Maleeshiyaadkan oo xarun ku lahaa deegaanka Mareero ee gobolka Bari.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 2 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdani lagu tuhmay dil shalay askari ka tirsanaa ciidanka Puntland, gaar ahaan kuwa madaxtooyada loogu gaystay halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Puntland oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa hadda joogsaday, balse waxaa weli dhaq dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com