DF Somalia oo soo saartay war cusub oo ku saabsan dhameystirka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo la hadlayay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday war cusub oo la xiriira arrimaha Dastuurka.

Wasiir Saalax oo ka warbixinayay howlaha dib u eegista Dastuurka ayaa sheegay in laga gaaray guulo muhiim ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sanadkan lagu soo gabagabeynayo dhameynatirka Dastuurka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadda waxa haray ay tahay kaliya in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad federaal ah oo Demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagama maarmaan ah in la dhamaytiro Dastuurka” ayuu yiri wasiirku.

Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Soomaaliya ay noqoto dowlad hanaanka federaalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho.

Dastuurka dalka oo weli KMG ah ayaa waxaa jira caqabado bada oo hortaagan dhameystirkiisa, iyada oo ay dhiman tahay Aftidii guud ee dadweynaha.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com