SAWIRRO: Muungaab oo mar kale hor istaagay qorshihii wasiirka amniga, muujiyeyna awoodisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markale maanta is hor istaag ku sameeyay qorshihii wasiirka amniga uu ku fasaxay in Hayadaha Qaramada Midoobay iney xirtaan wadada aada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hay’ada WFP oo degan wadada aada Garoonka Aadan Cadde ee ka baxda KM4, ayaa qorsheysay inay guud ahaan laamiga goosato oo ay ka dhisto Biraha difaaca ah, sababo ku aadan amniga Hay’adaasi iyo Shaqaalaha ka shaqeeya.

Gudoomiyaha Banaadir ayaa si cad arintaasi kaga soo horjeestay waxaana maanta markale la qaaday jig-gooyooyinka yaalay wadada Aada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Saaka ayaa cagaf cagfyo Maamulka Gobolka ay direen, waxa ay tageen goobta ay qorsheysay Hay’ada WFP inay wadada ka jarato, waxaana halkaasi laga soo saaray Biraha ay doonaysay Hay’ada inay wadada ku jarato.

Wasaarada Amniga oo la sheegay inay bixisay ogolaanshaha wadadan Hay’ada WFP ay ku jaran rabtay ayaanan ilaa hada ka hadlin, inkastoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay Wasiirka Amniga inuu ka dambeeyo arintaan.

18 23 32 52 62 82 92

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com