Farxiya Kabayare oo loo diiday inay Muqdisho ku qabato show & farrin carro leh oo ay soo dirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanada codka dananka leh ee Farxiya Kabayare ayaa barteeda Facebook ku shaacisay in showgii ay taageerayaasheeda ugu qaban laheyd Muqdisho sanadka cusub ee 2016-ka laga hor istaagay, isla markaana hotelkii ay qabsatay loo diiday in ay ku qabato bandhig faneedkeeda. 

Kabayare ayaa taageerayaasheeda u sheegtay in hotelka City Plaza kaliya lagu qabto bandhig faneedyada, sidaasi darteedna loo sheegay in aysan kusoo lug go’in maadaama ay imaanayaan fannaaniin kale.

Waxay si gaar ah u eedeysay shaqsi aysan magacaabin inuu ka danbeeyay xayiraada la saaray, isla markaana ay tilmaamtay in uu hotelka qofkaasi u xayiran yahay, fannaan uu isaga wadanin uusan show ku qaban karin Hotelka City Plaza.

Waxay ayaandaro ku tilmaamtay in gabar fannaanad Soomaaliyeed ah sidaasi loola dhaqmo.

Fannaanada ayaa dhowr show oo ay ku qabatay dalalka Holland iyo Switzerland buuq ka dhashay.