Xog: DFS oo xil u baadi goobeysa Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe Axmed Madoobe looga dhaadhicinayo in xubnaha golaha wasiirada ee uu soo magacaabo ugu soo biiriyo xubnaha sida aadka ah kaga soo horjeedo maamulkiisa.

Masuuliyiinta ugu sareyso dowlada ayaa doonaya in xubnaha wasiirada lagu daro Barre Aadan Shire Hiiraale oo si weyn kaga soo horjeedo maamulka Jubbaland, iyo masuuliyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa dhankiisa damacsan qorshe kaasi ka duwan , waxaana la ogeyn sida ay wax isku qaban doonaan, walow dowlada Soomaaliya damacsan tahay in hishiis buuxa laga gaaro khilaafka Jubbaland.

Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa waxay kulamo gaar gaar ah magaalada Kismaayo kula qaateen Axmed Madoobe iyadoo laga dhaadhiciyay madaxweyne Axmed Madoobe inuu wasiiradiisa kamid dhigo xubnaha mucaaradsan maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in dhawaan uu yimaado magaalada Muqdisho si uu kaga qeyb galo kulamo ay leeyihiin xukuumada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeedo gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com