Xog: MUUNGAAB oo ku gacan seyray dalab uga yimid CCC iyo Odowaa (Xamar anigaa ka taliya)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku gacan seyray inuu raali gelin bixiyo eedeyntii uu u jeediyay wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, kadib markii uu Khamiiitii si weyn u dhaleeceeyay wasiirka arrin ku saabsan qoraal uu wasiirku ugu ogolaaday in Hay’adda WFP ay xirato jidka taga garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muungaab oo howshaasi joojiyay isla markaan saxaafadda la hadlay isagoo wasiirka amniga ku eedeeyay inuu shaqo aanu lahayn faraha la galay, kuna baaqay in madaxweynaha Ra’iisal wasaaraha iyo Baarlamaanka ay tallaabo ka qaadaan wasiirka ayaa loogu yeeray inuu arrintaasi cudurdaar ka bixiyo.

Kulan xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa iyo wasiirka Amniga C/risaaq Cumar oo uu goobjoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungab ayaa Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka Arrimaha gudaha waxay ka dalbadeen Mudane Muungaab inuu raaligelin ka bixiyo meel ka dhaca uu u geystay wasiirka Amniga Gudaha.

Muungaab ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray arrintaasi isagoo sheegay in cidda laga rabo raali gelinta iyo cudurdaarka ay tahay wasiirka Amniga gudaha, wuxuuna ku adkeysay inay marnaba dhici doonin inuu khalad lagu sameeyo iyo faragelin lagu hayo howshiisa uu raaligelin ku daro.

“Nin howsheeda igu soo fara gashtay raali-gelin siin maayo, Xamar anigaa ka taliya, anigaana u dhashay, adiga (CC) iyo Odowaa iyo Cabdirisaaqba (Wasiirka amniga), waxaad Xamar ku tihiin marti ee martid edeb leh noqda” ayuu Muungaab ku yiri Cumar Cabdirashiid, sida dad goob joog ka ahaa kulanka ay sheegeen.

Shirkasi oo uu hoos ka soo abaabulay Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan isagu ka qeybgelin ayaa ku dhammaaday in lagu kala kacay, waxaana rajada hartay ay tahay in madaxweynaha uu arrinta soo fara-geliyo maadaama uu awood u lee yahay inuu xilka ka qaado Muungaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com