Brussels (Caasimada Online) – Qaraxyo xoogan oo ka kooban labo qarax ayaa ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaala casimada dalka Belgium-ka ee Brussels, waxaana qaraxa koowaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Zaventem.
Waaxda dabka ee dowlada Belgium-ka ayaa warbaahinta u sheegtay in uguyaraan dad ay ku dhinteen ayna dad kale ku dhaawacmeen,inkastoo booliska ay sheegeen in hal ruux uu ku dhintay.
Ma cadda waxa sababay qaraxyada.
Qarax kale ayaa laga soo sheegayaa xarun tareenada laga raaco oo u dhaw xarumo ay Midawga Yurub leeyihiin. Xarumaha tareemaha oo dhan ayaana la xiray.
Dadkii ayaa laga daad gureeyay garoonka waxaana la baajiyay duulimaadyadii.
Qaraxyadani waxay imanayaan afar maalmood kaddib markii magaalada Brussels lagu qabtay Salax Cabdisalam oo ahaa ninkii ugu muhiimsanaa ee loo raadinayay qaraxyadii Paris ka dhacay bishii November.
Sawiro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa muujinaya mid ka mid ah dhismayaasha garoonka oo uu qiiq ka baxayo, waxaana jira warar sheegaya in jahwareer uu ka dhacay garoonka intii ay dadku isku dayayeen in ay ka cararaan qaraxa.
Adeegii tareenka ee garoonka ayaa la hakiyay dadkana waxaa lagu amray in aysan garoonkaasi aadin.
Caasimada Online
Xafiiska EU
[email protected]