Sawiro: Sidee ayey u dhacday Xafladdii uu Farmaajo maanta xilka kula wareegay ?

Muqdisho (Caasimada Online)- Wixii la sogoba asbuuc kadib madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Bishan February si rasmi ah ula wareegay Xafiiska shaqada Villa Somaliya.

Farmaajo ayaa dhawaanahaan ku shaqeenayey xarun kumeel gaar aheyd oo uu ku lahaa   Hotel Jazeera oo u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Caddde International Airport.

Xil wareejintaas ayaa dhacday kadib markii xaflad kooban oo si fiican loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Villa Somaliya waxaana halkaas gacanta isku qaaday Madaxweyne Farmaajo oo xilka la wareegayey  iyo Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka wareejinayey.

Qalab kala duwan  oo isugu  jiray Dahab iyo Qallin oo intii Madaxweyne Xasan uu taliska haayey hadiyado kala duwan loogu keenay magaca Qaranka Somaliya ayaa la dhigay Xafiiska Shaqada Madaxweynaha  cusub.

” Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xilka qaranka Soomaaliya ku wareejiyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana Soomaaliya u baryey waa cusub waxaana la rajeenayaa inuu dalka horey usii socdo” ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha cusub, ayaa mahad celin kadib waxa uu xafladda ka sheegay in dowladdan ay tahay tii shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay garabkiisa istaagaan si uu ugu guuleysto shaqadiisa qaran sida amniga iyo horumarka dalka.

Farmaajo  ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ku shaqo bilaabo Villa Somaliya, islamarkaana uu rajeynaayo hanaanka dowladnimo ee dalka dadka oo dhan inay ka wada qayb qaataan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com