Xog: Halkee ayuu Xasan Sheekh ku noolaan doonaa xil wareejinta kadib?

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ku wajahan yahay mid kamid ah dalalka Turkiga iyo Tanzania.

Xasan Sheekh ayaa safarkaani gali doona xil wareejinta kadib, waxa uuna dalalkaasi u gaari doonaa arrimo qoys.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale halkaasi ku booqan doona qoyskiisa oo ay kala baadiyoobe mudada uu xilka hayay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu Turkiga ama Tanzania kusoo nasan doono muddo 6 bil, maadaama uu iminka heysto fursad nasiino.

Xasan Sheekh ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku mashquulsanaa arrimaha Siyaasada, waxa uuna iminka u muuqdaa mid la midoobi doona qoyskiisa.

Dhinaca kale, Xil wareejinta kadib, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta kale ee isaga la shaqeynaysay waxay faarujin doonaan Villa Somalia, si ay taasi ugu gogol-xaarto in Madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga hawl bilaabo Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com