Dhageyso: xaalad kacsanaan ah oo Baydhabo ka jirto iyo xildhibaano loo diiday inay soo galaan

Baydhabo (Caasimada Online)- waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Baydhabo olol ay wadeen qaar kamid ah xildhibaanada Maamulkaas ka tirsan kuwaas oo kasoo horjeedo madaxweynaha koonfur galbeed Shariif Xasa Shiikh Aadan.

qaar kamid ah xildhibaanada Maamulka koonfur Galbeed ayaa kulamo ay ku qaateen caasimadda Soomaaliya ee muqdisho ku sheegeen inay qorsheenayaan mooshin ay xilka uga qaadayaan madaxweyne Shariif Xasan.

Axmed Maxamed Barre oo ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay inaysan maamulka koonfur galbeed cid u diidi karin tagitaanka Magaalada Baydhabo isla markaasna ay dhawaan tagayaan.

Wasiirka oo ay ka muuqatay xanaaq iyo carro ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ama cabsi ah ka qabi doonin wararka kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed aysana jirin cid loo diidi karo magaalada hadii ay sidaas dhacdana ay sheekada isku badali doonto qabiil.

haddaba codka wasiirka iyo wixii uu ka hadlay oo dhameystiran halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com