Xog: Madaxweyne Farmaajo oo diyaariyay warqadaha magacaabida Agaasinka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa la soo warinayaa inuu diyaariyay warqada uu ku magacaabi lahaa Agaasinka iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee ka howlgali doona Madaxtooyada Somalia.

Madaxweynaha ayaa warqad ku magacaabi doono Agaasimayaasha iyo dhammaan Mas’uuliyiinta kale ee xilalka ka qaban doona Villa Somalia, kuwaa oo iminka la diyaariyay warqadahooda.

Madaxweynaha ayaa magacaabida ku dhawaaqi doona xil la wareegida kadib, waxaana lasoo sheegayaa in mas’uuliyiinta xilalka loo magacaabi doono ay ku jiraan mas’uuliyiin horay ula soo shaqeeyay Xasan Sheekh.

Mas’uuliyiinta uu magacaabi doono Madaxweynaya ayaa waxaa sidoo kale kamid noqon doona shaqsiyaad horay usoo noqday Safiiro iyo Qunsul, sida aanu xogta ku heleyno.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Farmaajo uu diyaariyay warqadaha magacaabida xilal kale oo dhowr ah kuwaa oo loo magacaabi shaqsiyaad ku cusub Siyaasada oo ay ku dheer tahay Soomaalinimada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa magacaabidaasi ku dhawaaqi doono xil wareejinta kadib.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com