Muqdisho (Caasimadda Online) – Bandhigga wejiga koowaad ee shaqo abuurka dhaliyarada ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay xarunta Gobolka Banaadir.
Qorshahan ayaa lagu shaqaaleynayaa 1000 dhalinyaro iyadoo uu maalgelineyso Midowga Yurub, waxaana maamulaya maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in fursadaha shaqo oo aad u yar marka loo eego baahida jirta si siman loogu qeybin doono wiilasha iyo gabdhaha.
Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in mushaarka shaqaalaha la qaadanayo uu noqon doono $150 taasoo ah qiime siman. “Fursadan waxaa ka faaiideysana Muqdishaawiga mudan, waxaan ugu sii mudan dhaliyarada Shaqo la’aanta ah ee Caasimada” ayuu yiri Mudane Taabit.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee dhinaca maaliyadda ayaa sheegtay in shaqaalaha laga qorayo degmooyinka uuna xaq u yeelanayo qof kasta oo reer Muqdisho ah oo heysta shahaado Dugsi Sare, isla markaana da’diisu u dhaxeyso 18 ilaa 29 sano.
Qaar ka mid ah Shuruuda Xulashada:
1-In uu yahay qof degmada uu ka tartamayo Degan yahay.
2- in uu heesto Shahaado Dugsi Sare Ugu yaraan.
3- In uu jiro da’ ahaan 18 ilaa 29 sano.
4- in uu CV-ga geeyo Degmada uu degan yahay, kana qeyb galo Imtixaanka
5- in uu xariir laleeyahay Dhalinyarda Degmada, leeyahay xirfadaha Isticmaalka Computer-ka ( Microsoft & Word ), iyo kuwo kale.
Fursadan Shaqo waa u simabyihii Wiilasha iyo Gabdhaha, Number isla eg ayaana laga qaadanayaa degmo kasta.
Sidoo kale waaxaa fursadahaan wax ku leh dadka Baahyada gaarka ah qaba, oo doorkooda lasiin doono.