Maxay tahay sababta keentay inuu Sheekh Shariif saaka kasoo dago Magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saakay kasoo dagay garoonka diyaaradaha Adan Adde International halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kasoo qaaday ciidamo badan oo watay gawaarida dagaalka, Imaatinka Sheekh Shariif ee Muqdisho ayaa ah markii saddexaad, tan iyo markii ay dhacday doorashadii looga adkaaday bishii February ee sanadkan.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegayo inuu Sheekh Shariif qaban doono shir jaraa’id oo uu uga hadlayo xaalada dalka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka, isagoo sidoo kale kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Sheekha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato kaa tirsan madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo markaan sal dhigan doono Magaalada Muqdisho, wuxuuna saakay kasoo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu maalmihii dambe ku sugnaa.

lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay inuu Sheekh Shariif yimaado Magaalada Muqdisho oo uu bilihii dambe ka maqnaa, iyo sababta kusoo aadisay xilli ay dowladda Soomaaliya wajaheyso cadaadis badan oo uga imaanayo shacabka iyo siyaasiyiin kadib markii ay dowladda Qalbi Dhagax ku wareejiyey Itoobiya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah