Mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimdda Online) – Rag hubeysan ayaa goor dhow waxay weerareen gaari uu la socday xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji.

Wararku waxay sheegayaan in raggan ay wateen gaari yar, islamarkaana ay ku hor jareen gaariga uu xildhibaanka saarnaa, kadibna ay rasaas ku fureen.

Xildhibaanka waa uu ka badbaaday weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay darawalkiisa iyo gabar uu adeer u yahay, kuwaa oo hadda la geeyey mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Senator Xuseen Cali Xaaji oo si kooban ula hadlay Goobjoog ayaa sheegay in hadda isaga uu caafimaad qabo, islamarkaana markii la weerarayay uu marayey degmada Hodon, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale