Sawirr: Sidee ayuu u dhacay qaraxii maanta ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOH ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo sidoo kale la sheegay inay la socdeen illaa saddex nin oo hubeysan.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidamada ammaanka ayaa ka shakiyey gaariga oo doonanyey inuu xoog ku soo dhaafo halkaasi, kadibna rasaas ay ku fureen ay dhalisay inuu qarxo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in is rasaaseyn kooban ay dhexmartay ciidamada Booliska iyo raggii la socday gaarigaasi.

Khasaaraha hor dhaca ah ayaa sheegay in la toogtay labo ka mid ah raggaasi oo uu mid ka mid aha ahaa darawalkii gaariga, halka midka saddexaad uu baxsaday, laguna raad joogo.

Waxa kale oo la xaqiijiyey in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira khasare soo gaaray dad rayid ah iyo gawaarid iyo mootooyin nooca Bajaajka ah oo ku buburay qaraxaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale sheegtay masuuliyada qaraxaasi. Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com