Sawirro: 24 dagaal-yahan oo ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howl-gal qorsheysan

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Howl-galka ayaa daba socday weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo ay jawaab ka bixiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isku fidiyey duleedka magaaladaasi.

Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in jab xoogan howl-galladaasi lagu gaarsiiyey koooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay illaa 24 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub iyo saanad milatari ay kasoo furteen kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay goob fagaare ah ku soo bandhigeen.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa shaaciyey inay sii socon doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Deegaanada uu howl-galku ka dhacay oo dhammaan hoostaga Diinsoor ayaa waxaa weli laga dareemayaa abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.