Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub kala saxiixday

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah ayey maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya.

Munaasibada lagu kala saxiixanayey heshiiskaas oo saaka ka dhacday garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda federalka, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, iyo Wasiirka gadiidka dhulka iyo cirka, Duraan Axmed Faarax iyo Danjiraha Ethiopia u jooga Soomaaliya, Mas’uuliyiin, Ganacsato iyo Mart kale.

Heshiiska rasmiga ah ee ganacsiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa horseeday in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa isla maanta dalka Ethiopia loo daabulay shixnadii ugu horeeysay ee Kalluunka Soomaaliya, kaasi oo ahaa 20,000 oo Tan, waxaana lagu raray labo kamid ah diyaaradaha Shirkada Ethiopian Airlines oo isla maanta Qaad kasoo dejisay garoonka Muqdisho.

Heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya toddobaad un kadib markii ay Wasiiro ka tirsan DF iyo Koox Gaacsato Ethiopian iyo Turkish ah ay booqasho Hawleed ku tageen Degmada Qadiimiga ee Warsheekh ee gobalka Shabeellaha Dhexe, iyagoo kormeer iyo indha-indheyn ku sameeyay fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga ee Kalluunka dalkeena.

Si kastaba, Heshiiska maanta lagu saxiixay magaalada Muqdisho ayaa kor u qaadi doona dhoofinta wax soo saarka dalkeena, ayada oo uu hoos u dhigi doono dhaqaalihii xad dhaafka ahaa ee Qaadka kaga bixi jirey dalkeena, islamarkaana waji cusub u furay Ilo Dhaqaale iyo is-dhaafsi Ganacsi ee Badeecadaha Ethiopia.