Sawirro: Abiyi Axmed oo safar aan la shaacin ku tagat Ugandha & Dhismaha Ciidamada cusub ee badda oo lagu wado in…

Kampala (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiyi Axmed ayaa gaaray magalada Kambala ee xarunta dalka Uganda, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musaveni.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, ayaa Abiyi Axmed kusoo dhaweeyay xarunta dalka Ugandha looga taliyo, halkaa oo ay kuwada qaaten kulan saacado qaatay.

Yuweri Musaveni iyo Abiyi Axmed ayaa si hordhac ah uga wada hadlay xiriirka labada dal, Howlgalada ay ciidamada labada wadan kawadaan Somalia, Amaanka gobolka iyo Taageero loo fidiyo ciidamada Somalia.

Abiyi Axmed, ayaa Yuweri Musaveni kala hadli doona qorshaha ay Ethiopia ku dooneyso dhismaha ciidamada Badda, waxa uuna ujeedku yahay in arrintaasi ay kala shaqeeyan si dowlada Somalia iyo wadamada kale ee xeebaha leh ay Maraakiibtaasi uga shaqeeyan.

Abiyi Axmed oo aan horay loosii shaacin ayaa qaadaneysa muddo laba cisho ah,waxayna labada mas’uul ka wada hadli doonaan sida loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Abiyi Axmed, ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kampala ka qeybgeli doona munaasabada maalinta geesiyada Uganda,isla markaana la guddoonsiin doono Billada Afrika Garand Master.