Erdogan maku soo bixi doonaa Doorashada dhaceyso? Maxayse kala yihiin awoodaha cul culus uu yeelan doono?

Ankara (Caasimadda Online) – Iyadoo uu xilliga guga uu gabagaba yahay ,ayaa xiisadda siyaasadeed ee ka jirta degmada Besiktas ee magaalada Istanbul waxaa laga dareemayaa ololaha doorashooyinka ku soo foodleh dalka Turkiga.

Balse taasi ayaan waxba ka badelaynin ololaha ay wadaan kooxda mucaaradka ee ka qeybgalaya doorashada lagu wado inay dhaco 24 bisha June .

“Waa in aan xarumaha lagu codbixinayo aan xirnaa 8da fiidnimo” ayuu yiri qof mar uu sii galaayey teendho.” Balse waxa hadda jira dadaalo badan marka waxa laga yaaba inan halkan joogno ilaa 11ka habeennimo”

Markii horaan loogu dhawaaqay doorashooyinkii bishii April, waxaa loo arkayey inuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ka dambeeyey arrintaas.

Mucaaradka ayaa ku dooday in ay jirto ka go’naansho la’aan in la qabto doorashadaas .

Balse mudadaas lixda todobaad ah ee ka hartay doorashada ayaa laga yaaba inay wax ka badesho siyaasadda dalka Turkiga.

Yaa caqabad ku ah Erdogan?

Xisbiga CHP ayaa tartanka madaxweynaha u magacaabay nin aad caan ugu ahaa arrimaha siyaasadda ,mucaaradka ayaa sameystay midoow aad u ballaaran markii ugu horreysay . Balse madaxweynaha ayaa weli noqonaya qofka ugu saameynta badan dalka marka la eego dhanka siyaasadda.

Waxa uu ku guuleystay doorasho walba ee la qabtay muddo 15 sano ah , iyadoo ku dhawaad 90% warbaahinta dalka turkiga ay taageero u yihiin dowladda , sidoo kale waxa jira shacab aad u badan oo taageero dowladda ,marka haddii xitaa ay doorashada la sugaya ay timaado waxa laga yaaba inuu si weyn ugu guuleysto.

Soo if bixista haweenayda ‘shabeel-gabdhoodka’ ah

Iyagoo iska indha tiraysa qabowga ka jira Bosphorus ayaa Gulseren Ulucay oo ah macalimad shaqada ka fadhiisatay ayaa taageero badan loogu muujiyey meel fagaaro ah ,waxayna u aqoonsadeen astaanta xisbiga cusub ee Iyi.

Waxaa aasaasay xisbigan Meral Aksener, oo horay u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga 1977-kii , balse waxay sheegtay inay taageero u tahay xisbiga dimuqraadiga.

Waxay gashay ololaha doorashada ,iyadoo balanqaaday inay wax ka badeli doonto warbaahinta aadka u taageerta dowladda .

“Haweenaydan ma ahan qof musuqmaasuq abid lagu soo eedeeyey ama wax xatooyo ah” ayey tiri Ms Ulucay l

Carcarta musharaxa calmaaniyiinta oo karaar qaatay

Waxaa todobaadyadii la soo dhaafay la isku hayey in haddii loo baahdo in la aado wareega labaad ee doorashada ay Ms Aksener noqonaysa musharaxa kaliye ee la tartami karta madaxweyne Erdogan.

Balse waxaa shiiqiyay hoggaamiyaha xisbiga CHP Muharrem Ince , oo wakhti dheer ahaa xildhibaan iyo macalin dhanka maadada Fisikiska ah.

Muharrem Ince

Waxa uu balanqaaday inuu madaxtooyadau bedeli doono mid casriga ah, uuna ka dhigi doono xarun wax lagu barto ,oo uu sidoo kale yarayn doono adeegyada ciidamada militariga .

Xisbiga CHP ayaa horay waxa u soo wajahay dhibaatooyin . Balse qoyska Mr Ince ayaa ah dad u hogaansan dhaqanka iyo diinta.

Sida ay codbixinta u shaqeynayo

  • 56 milyan oo ah codbixiyayaal ku nool dalka gudahiisa iyo 3 milyan oo qurba joog ah ayaa dooranaya madaxweynaha iyo 600 oo xildhibaan.
  • Dadka ayaa codbixinta bilaabaya 7 bisha June.
  • Haddii uusan qof ku guuleysanin 50% codadka madaxweynaha, waxaa la aadayaa wareegga labaad.

Saameynta ay kurdiyiinta ku leedahay

Dadka kale uu u taagan kursiga madaxweynaha ayaa ah Selahattin Demirtas oo ka tirsan xisbiga HDP ee xulafadaha la ah Kurdiyiinta , xabsi ayuu galay 2016-dii ka dib isku daygii fashilmay ee lagu doonayey in lagu afgambiyo dowladda hada talada haysa.

Tageerayaasha

Ka waran haddii uu Erdogan ku guuleysto doorashada?

Haddii uu madaxweyne Erdogan ku guuleysto kursigiisa ,waxa uu yeelanaya awoodo cusub ee la ansixiyay sanadkii la soo dhaafay ka dib markii la qaaday aftida shacabka dalkaas.

Waxa uu awood u yeelan doona inuu meel mariyo sharciyo badan, inuu soo magacaabo wasaaradaha iyo xaakimiinta sare ee dalka ,wuxuuna sidoo kale awood u lahaan doona inuu kala diro ama burburiyo baarlamaanka .

Mr Ince iyo Ms Aksener ayaa sheegay inuu isbadelkan uu awooda siinayo ama gacanta u gelinayo hal qof oo kaliye .

Walaaca ay dadka badan ka qabaan doorashadan ayaa ah inay dhacaan wax isdabamarin gaar ahaan Koonfurta Bari ,meeshas oo codbixiyayaasha Kurdish-ka ay aad ugu badanyihiin.

Haddii ay taageerayaasha ay ku socdan jidkaas ,waxa laga yaaba inay saameyn u keento dhaaqalaha dalka taasi oo laga yaabo inay keento sicirbarar aan horay loogu arkin dalka Turkiga.

“Lix bilood gudahood , saameynta sicirbararka ayaa la dareemi doona” ayuu yiri Prof Ozel. Balse haddii ay mucaaradka ay soo jeediyaan ama dadka ka dhaadhiciyaan inay si wanaagsan u maareyn karaan dhaqaalaga ,waxa laga yaaba inuu guddiga doorashada uusan sameyn doonin wax isbadel ah. Su’aasha ayaa ah inay daacad u sii ahaan doonan iyo in kale.”

Xigasho: BBC Somali

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com