Sawirro: AMISOM oo u diyaar garowday doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 23 sarkaal u xilsaartay taageerada Booliiska Soomaaliya & mas’uuliyadda qabsoomidda Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka & Madaxweynaha.

Saraakiishaan cusub waxaa waajibka saaran uu yahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen xoojinta Booliiska Soomaaliya oo dhowr xaalado wajahaya sida u diyaargarowga mas’uuliyadda guud ee dalka iyo ilaalinta goobaha Doorashooyinka.

Taliyaha Booliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie oo la hadlay Saraakiishaan waxa uu ku booraiyay in ay dedaal dheeraad ah lasoo baxaan si ay u gutaan waajibaadka ay u igmadeen sida uu hadalka u dhigay.

“Howl shaqeydkiinu waa taageerista Booliiska Soomaaliya, waxa aad ka caawineysaan arrimaha Doorashooyinka waana tan ugu muhiimsan ka qaybgalkiina howshaan, Doorashadu waa tan ugu muhiimsan, fadlan waa in aad ku shaqeysaan xirfaddiina ilaalinta goobahaas” ayuu yiri Taliyaha Booliiska AMISOM.

Saraakiishaan ayaa howlgalka Booliiska AMISOM ku metalaya Dalalka Uganda, Kenya, Zambia, Ghana & Sierra one, waxaana caawinaya Ciidamada kale ee ku sugan Xarumaha Dowlad-Goboleedyada oo dhankooda la siiyay tababaro kala duwan.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka sugidda amniga goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashooyinka Senatarada Aqalka Sare, Golaha Shacabka BFS & Madaxweynaha.

Saraakiisha AMISOM waxa ay ka qaybgaleen kulamada looga hadlay amniga goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka Dalka iyo fadhiyada kale ay yeesheen saraakiisha Dowladda Federaalka ee mas’uulka ka ah xasiloonida Magaalooyinka doorashooyinka loo qorsheeyay.