Sawirro: AUN Saado Cali Warsame oo baroordiiq loogu sammeeyey Holland

Allaha u naxriistii waxaa munaasabad Baroor-diiq ah Magaalada The Hague, ee wadanka Netherlands, loogu sameeyay AUN. Saado Cali Warsame, oo aheyd fanaanad weyn oo gayiga Soomaaliya caan ka ah, kana tirsaneyd Baarlamaanka Soomaaliya, oo ay kooxo hubeysan 23-july-2014, ku dileyn Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.baroor (1)Munaasabadaan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Somali News Tv iyo Universal Tv, Xafiisyadooda dalka Netherlands, ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Culimo-udiin, Fanaaniin, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madaxda Hormuudka u ah Jaaliyada Soomaalida dalka Netherlands, iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ku dhaqan wadanka Holland, iyadoona dhinaca isgaarsiinta ay Munaasabada kaga qeyb galeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Farshaxaniiste Amiin Caamir Maxamed. Waxaana hadalka qeybta hore u qeybinayey dadweynaha wariye Shaadiya Muxumed Abdi.baroor (2)Ugu horeyn waxaa Munaasabada Baroor-diiqda loogu tala galay Saado Cali Warsame, Aayadaha Quraanka iyo Fariin diini ah ka jeediyay, Sheekh Muuse Cadde, oo ka mid ah Culimadii kasoo qeyb gashay Tacsida loo sameeyay AUN. Saado Cali Warsame.

Mas’uuliyiintii kasoo qeyb gashay Munaasabada ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbado ay ku cabirayeen dareenkooda ku aadan sida ay ugu xunyihiin, isla markaana ay u cambaareenayaan falkii lagu dilay Allaha u naxriistee Saado Cali Warsame, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa, Xuseen Qadiib oo ka tirsan Hormuudka Som News TV, Guddoomiyaha Dallada FSAN, Dr. Cali Cabdi Waare, Fanaanka Weyn, Cabdi Cali (Bacal-waan), Eng. Axmed Maxamuud Xandulle, Drs. Zahra Naaleeye, Fanaanada Laki Xaaji Waceys iyo Fanaanka Cabdi Baadil, Caasha Abdi Kaliil. Jawahir Ahmed iyo Sahro Xuseen Muuse.

baroor (3)Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Abdilaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Saado Cali qof geesiyad ah oo waliba nafteeda inay u hurto dalka Soomaaliya dib usoo noqoshadiisa ay ka muuqatay, xilli ay ku kulmeen magaalada Muqdisho, isagoona si cad u sheegay inuu arki jiray Saado oo ilaalo ahaan ah meesha ay doonta ka tageysa Muqdisho. Waxaana uu cambaareey dusha uga tuuray kuwii dilay Saado Cali warsame, loona baahan yahay in degdeg loo baaro arrintaasi.

baroor (4)Amin Caamir oo ah farshaxamiiste si weyn uga hadla tacadiyada Soomaaliya iyo dunida kale ka dhacda ayaa qadka telefoonka uga qeybgalay munaasabadan, isagoo jooga Canada, waxaana uu sheegay in cambaareeyn oo kaliya Saado Cali dilkeeda looga hadli karin balse loo baahan yahay in la HABAARO kuwii dilkaasi ka danbeeyey, waxaana uu dowlada ka codsaday in aan laga harin dhagar-qabayaasha Saado Cali dilay.

baroor (5)Fanaanka weyn ee Cabdi Cali (Baacal-Waan) ayaa isagu ka taariikheeyay Aqoontii uu ulahaa Marxuumad Saado Cali Warsame oo ay ka wada tirsanaan jireen Hoboladii Waaberi, waxa uuna Marxuumada ku sifeeyay in ay aheyd shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo dal jaceylka, waxa uuna tacsi guud u direy dhamaan Fanaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay aduunka kaga sugan yihiin iyo ehelkii ay ka geeriyootay AUN. Saado Cali Warsame.

baroor (6)Sidoo kale fanaanka weyn ee Abdi Baadil Ibrahim oo ahaa shaqsi ay aad isugu dhawaayeen Saado Cali Warsame, islamarkaana badi lahaa laxamada heesaha ay Saado ku soo caanbaxday ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga naxay geerida Saado Cali, isagoona intaasi raaciyey inay maalmo yar ka hor ay ku ballameyn inay sanadka cusub ku kulmi doonaan Holland, si ay heeso horey ay u wada qaadeen muuqaal ugu sameyn lahaayeen. Waxaana uu halkaasi kusoo bandhigay hees baroor-diiq ah, oo uu ugu magacdaray ” Wey socotay SAADO”.

baroor (7)Abwaan Cabdirashiid iyo Abwaanada da’da yar ee Khadra Cawil, ayaa halkaasi kusoo bandhigtay Gabayo iyo Maanso ay ka sameeyeen falkii lagu dilay Allaha u naxriistee AUN. Saado Cali Warsame, iyadoona dadweynihii halkaasi isugu yimid ku baraarujisay qiimaha wadaniyada iyo sida ay ugu xuntahay in dadka waxtarka ah la laayo.

baroor (8)Dhinaca kale Munaasabadaan Baroor-diiqda ee loogu tacsiyeenayay AUN. Saado Cali Warsame, ayaa inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay, dood ku aadaneyd, sida xal loogu gaari karo dilalka soo noq noqday ee gudaha dalka Soomaaliya loogu beegsado dadka waxtarka ah iyo shacabka aan waxba galabsan,

baroor (9)Dooda waxaa toos uga qeybgalayey oo marti ku ahaa Ruqiyo Cadow,Xamza Shiikh Xuseen “Hanoo-laato” Ali Yaxye oo ka mid ah madaxda SOMNEWS TV, Dahir Ali Kamiin, Abdirashiid Ibrahim Maxamed iyo qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha munaasabada ee dhageysanayey hadalka marti sharafta. Waxaana dhammaan dadkii doodaasi ka ka hadlay ee muujiyeen in aan lagu jiri karin cambaareyn iyo tacsi, balse loo baahan yahay isbadel muuqda oo lagu sameeyo talaabooyinka ammaanka.

baroor (10)Dhinaca kale, waxaa ay dadkaasi oo uu hadalka u qeybinayey Wariye Abdilaahi Jamac sheegeen inuu jiro gaabis iyo wada shaqeyn la’aan ka dhexeysa dowlad iyo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaam, sidaasi darteedna aysan dowlada kaliya waxba qaban karin.

baroor 14Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada Baroor-diiqda (Tacsida) Saado Cali Warsame ee lagu qabtay Magaalada The Hague, ee wadanka Netherlands, ayaa waxa ay fariin u direyn Dowlada Federalka Soomaaliya, iyagoona ka codsaday in si cad loo baaro dilkii AUN. Saado Cali Warsame, isla markaana cidii ka danbeysay cadaaladda la hor keeno.

baroor 11Hadalka munaasabadaasi ayaa waxaa soo xiray Ibrahim Maxamuud “Feynuus” oo ka mid ah madaxda SOMNEWS TV ee munaasabadan soo qabanqaabisay, waxaana uu u mahadceliyey dhammaan qeybihii kala duwaa ee kasoo qeybgalay munaasabadaasi.

baroor 12” Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun, marka hore waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Saado Cali Warsame ku timid, marka xigta waxaa SOMNEWS TV iyo Universal TV oo wada shaqeyn leh u ah sharaf inaad kala soo qeybgasheen munaasabada aan ku xuseyno walaasheen Saado Cali Warsame oo aheyd fanaanad iyo Xildhibaanad QARAN. Intan oo isku timid waxay jawaab cad u tahay sida looga soo horjeedo dabar-goynta lagu hayo dadkeena waxtarka leh,waxaana ugu danbeyn rajeynaa wixii aad ku hadasheen ay dowlada iyo shacabkeena aan nala joogin wax ku qaadan doonaan” ayuu yiri Ibrahim Maxamuud oo madasha soo afmeeray.

baroor 13