Kala qeybsashada xilalka safiirada oo si xowli ah uga socota VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xassan Sheekh, R/wasaare C/weli iyo Wasiir Beyle ay ku howlan yihiin kala qeybsashada xilalka Safiirnimo ee Dowladaha dhaqan.

Saddexdan mas’uul, ayaa midba doonaya inkoox siyaasiyiin ah oo uu wato ay helaan xilal safiirnimo.

Illo wareedka ayaa xaqiijinaayo in Xafiiska Madaxweyne Xassan uu iminka yaallo Liis ay ku qoran yihiin in kabadan 25-Safiiro iyo Qunsulo kuwaasi oo la doonayo in laga iibiyo Ganacsato iyo Siyaasiyiin caan ah, waxaana la tilmaamayaa in Qorshaha lagu yareynaayo Safaaradaha uu yahay mid leysku hoos galinaayo kuwa cusub ee Liiskoodu uu yaallo Xafiiska Xasan Sheekh.

Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ayaa waxa ay badi yihiin kuwa la kawsaday Xukuumada Xasan Sheekh ee “Dam-Jadiid’’, waxa ayna ka faa’iideysanayaan ka hor inta uusan dhammaan waqtiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowlada Xasan Sheekh ayaa waxaa muddo kooban oo ka yar 2 sano uga harsan xiligii doorashada, waxa uuna wadaa qorsho lagu raali galinaayo Siyaasiyiinta Xasan ay ku kala irdhooben Siyaasadda.

Dhanka kale, Liiska Safaaradaha xilalkooda la iibinaayo ayaa waxaa ku midoobay Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda, mana cadda qaabka ay u kala qeybsanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com