Daawo Sawirrada: Carruur mucjiso ah oo ku dhashay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay Xaafadda Sanca ee Degmadda Kaaraan ee magaalladda Muqdisho ku dhashay Laba Carruur mataano ah oo isku dhagan.

Carruurtaani ayaa waxa ay isaga dhagan yihiin Caloosha, waxa ayna leeyihiin Laba madax oo midba gaarkiis ah.

Aabe Ismaaciil Xasan Sheekh Cali  iyo Hooyo Raaxo Jayte Hiraabe oo dhalay Labadaani gabar ayaa Mucjisada ah, ayaa waxa ay sheegen in Mahad alle ay tahay kuna qanacsan yihiin Nasiibka uu alle uga dhigay Carruurtaani isku dhagan.

Sidoo kale, Waxay tilmaameen in Carruurtaasi caafimaad ahaan wanaagsan yihiin, laguna quudiyo Faleebo, maadaama aysan jirin qaab ay Hooyadda u naas-nuujin karto Carruurta.

Mucjisada Ceynkaani ah ayaa waxa ay inta badan ka dhacdaa Wadamada Reer galbeedka iyo Carabta, waxaana iminka lagu arkay Magaalada Muqdisho wallow mucjisooyin tan ka xun lagu arkay Magaalada Muqisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com

was wasi wasii wasiir wasir