XOG: Xiisadda u dhexeysa Khaliif Erag iyo Mungaab oo waji cusub yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Eedeymo dhanka Ammaanka ah maalmahaani isku jeedinayaan Laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegayo inuu Khilaaf ka dhex Curtay Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Khilaafka Labada Mas’uul ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay wax ka qabad la’aanta dhanka ammaanka, waxa uuna mid waliba mid kale ku eedeynaaya inuusan Ehel u aheyn Amniga.

Bilowga Khilaafka ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab uu dalbaday in Maamulkiisa la hoos keeno Ciidamada Nabadsugida Qaranka iyo Boliska, waxaana ka dhaga adeegay arrintaasi Wasiirka Cusub ee Amniga Khaliif Erag oo isagu aaminsan  inuu yahay ruux Ehel u ah Amniga.

Khilaafka  ayaa isku bedelay mid beeleed wuxuuna marayaa meel xun, waxayna isku haystaan cida looga danbeeynayo maamulka Muqdisho.

Xasan Muungaab oo ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si cad warbaahinta ugu sheegay in aan wax laga weydiin doonin Ammaanka Magaalada Muqdisho, waa haddii aan lagu soo wareejin Ciidamada Nabadsugida iyo Boliska, waxaana arintaasi ka dhaga adeegay Wasiirka Amniga.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Dalka ayaa iyagu ku jahwareersan sida ay ugu kala garqaadi lahaayen Mungaab iyo Khaliif Erag.

Khaliif Ereg ayaa  isagu ah Sargaal xiriir adag la leh Laamaha Ammaanka Caalamka, taasina ay u suuragalineyso in Xasan Sheekh uusan Erag ula dhaqmi Karin sida uu sharcigu yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com