Sawirro: Axmed Madoobe oo ciidamo badan usoo diray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa iska soo hormariyey ciidamo ilaalo u ah oo ka tirsan kuwa maamulkaasi.

Ciidamadan oo ah kuwo aad u qalabeysan ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyaga oo ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

U jeedkooda ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen amniga Axmed Madoobe inta uu ku sugan yahay gudaha Caasimadda.

Sawirro laga soo qaaday ciidamadan iyaga oo ka soo baxaya Kismaayo ayaa muujinaya inay yihiin kuwo la soo xulay, kuwaas oo diyaarad qaas ah ay soo qaaday.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa horey Muqdisho ugu soo diray diray ciidamo ilaalo u noqon doono inta uu martida ku yahay caasimadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa dad badan waxa ay ka muujiyeen walaac, iyaga oo sheegay inay sii xoojin karto xiisada haatan u dhexeysa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa Muqdisho u imaanayo wada-hadallo ay la leeyhiin Madaxweynaha Soomaaliya, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka 20/21.