Muxuu Mahad Salaad ku qeexay doorka siyaasadeed ee Qoor Qoor, Waare, Lafta-gareen iyo Cumar Filish?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee dowladda Federaalka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray bulshada dhex dhigay dhawr su’aalood oo ku saabsan imaatinka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland isagoo ku dareen kicinaya madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hogaanka Gobolka Banaadir oo si dadban ugu lammaanan.

Wadooyinka magaalada Muqdisho saakay aroortii waa la xiray sabab lagu sheegay imaatinka Axmed Maxamed Islaam (Madaxweynaha Jubbaland) iyo Saciid Cabdullaahi Deni (Madaxweynaha Puntland), wuxuuna xildhibaan Mahad Salaad is weydiiyay haddii madaxda maqan markooda loo sameyn doono maamuus aysan horay u heli jirin.

Sidoo kale xildhibaanka wuxuu shaki galiyay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale loogu yeeri doono shirka si ay wax uga ogaadaan heshiiska la filayo iney gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Labada Madaxweyne ee shirka gaarka ah la yeelan doona dowladda dhexe waxey si cad uga hor yimaadeen shirka Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan kasoo qeybgalin gogoshii la dhigay Galmudug, taas badalkeeda cadaadis dhinacyada uga yimid beesha caalamka waxaa la isla gartay in lagu kulmo Muqdisho.

Ugu dambeyntii Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah kuwooda ugu fir-fircoon ayaa falaar kulul ku tuuray madaxweynayaasha saddexda ah ee maqan, maadaama uu su’aal iska weydiiyay hadii ay talo ku lahaan doonaan heshiiska la filayo iyo hadii ay noqon doonaan uur jiif hooyadiis ku gowracan oo uu ula jeeday inuu wakiil ka noqonaayo Madaxweyne Farmaajo.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD:

DULMIBA HA IGU AHAATEE HORTA DOOR MA LEEYIHIIN?!

Shirka Xamar ay ku leeyihiin Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Puntland iyo Jubaland inta aan la soo gunaanadin ka hor ma loo yeeri doonaa Madaxweynaha saaxiibadiis si heshiiska looga talo geliyo?

Hadii la isla ogolaado in loo yeero: Ma imaan doonaan? Jidadka markooda ma loo xiri doonaa? Wixii Farmaajo, Deni iyo Madoobe ku heshiiyeen in aysan marqaati ka noqon ee talo ku yeeshaan ama wax ka badalaan markooda ma loo ogolaan doonaa?

Mise imaanshiyahooda iyo maqnaanshahooda waxaba kuma xirna oo arintu waa “uur jiif hooyadiis ku gowracan” Madaxweynaha ayaana wakiil buuxa ka ah saaxiibadiis❗️

Hon. Mahad Salad