Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta wafdi Mareykan ah kula shiray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Mareykan ah oo tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayay safiir ku xigeenka safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle , kaas oo wadahadal toos ah la yeeshay Axmed Madoobe.

Kulanka oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada .

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in kulan looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee socdo isla-markaana uu qayb ka yahay Mareykanka.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray howlgallada dib loogu xoraynaayo deegaanada Jubaland oo haatan la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxaa Kulanka lagu soo qaaday xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanadaasi.

Dhanka kale, waxaa wafdiga ka socda safaaradda Mareykanka iyo Jubbaland ay ka wada-hadleen arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah, loona caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahaayeen.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Soomaaliya.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay isku diyaarineyso guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka.