Ciidanka DF oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey 3 deegaan oo muhiim ah

Cali-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay kala wareegay tuulooyinka Ceel-Afwayn, Sabansabley iyo Cali-Yabaal oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay joogeen in ka badan 15 sano.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga carartay dhamaan deegaanadaas iyagoo aan dagaalamin, taas oo ciidanka u sahashay in maanta ay si nabad ah gacanta ugu dhigaan deegaanadaas.

Dhamaan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanadaas ayaa isaga qaxay, iyagoo cabsi ka qaba in lagu dul dagaalamo, waxayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka noo sheegeen inay deegaanka dib ugu soo celinayaan dadkii ka qaxay.

Sidoo kale waxaa socda abaabul culus oo ciidanku ay ugu diyaar garoobayaan xoreynta deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Deegaanada ugu muhiimsan ee hadda ay ciidanku qorsheynayaan inay kooxda ka saaraan waxaa ka mid ah deegaanka Budbud oo bulsho badan ay ku nooshahay, aadna istaraatiiji u ah.

Hamiga ciidanka xoogga dalka ee ku sii siqaya dhulka ay Shabaab ka joogaan gobollada dhexe, gaar ahaan gobolka Galgaduud waa in maalmaa soo socda gudaha loo galo Ceelbuur oo halka degmo ee kooxdu ay ka joogto bartamaha Soomaaliya.

Colaada ka jirta deegaanaada, qaxa ay Shabaab-ku ku qasbayaan shacabka, si ay gabaad uga dhigtaan, isgaarsiin la’aanta ka jirta dhulkaan fog iyo cunaqabateynta ay dowladdu saartay kooxda, waxaa shacabka u dheer roobka Guga oo maalmahaan si joogto ah uga da’aya dhulka lagu dagaalamayo.

Duulaankaan oo ah mid si weyn u abaabulan ayaa hadda kadib ku socanaya saf-balaaran, maadaama ciidankii ka baxay Aadan-yabaal, Al-kowthar ilaa Daarunicma ay Al-Shabaab ka xoreeyeen Galcad iyo deegaanada ku hareereysan.

Hadda waxaa siman oo saf-balaaran ah ku soca doona duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, isla markaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.