Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale oo malaayiin dollar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis cusub oo dhaqaale kula saxiixatay Jarmalka, kaasi oo ay ku baxeyso lacag gaareysa 19 Milyan oo doollar.

Heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano, kaasi oo maanta kala saxiixdeen hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda oo taageerta ganacsiga iyo Bangiyada iyo Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah agaasimyaasha guud ee Wasaaradda, Madaxda sare ee hay’adda Gargaara, Madaxda Bangiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

Heshiiskan cusub ayaa waxaa muhiim u yahay dib usoo kabashada illaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya, iyada oo maal-gelintaan ay si gaar ah xoogga u saari doonto ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara ee Wasaaradda, Suleymaan Cabdi Ducaale oo ka hadlay munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa kaga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Jarmalka taageerada ay la garab taagan yahiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo iskaashiga Safaaradda Jarmalka ee Muqdisho ayaa waxay ballan-qaaday inay taageero buuxda siin doonto hay’adda heshiiska dhaqaale la saxiixatay Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

“Waa ku kalsoonahay Gargaara taageerada ay siiso ganacsiyada gaarka,” ayey tiri Allena Kern oo ka hadashay shaqada ay hayso hay’addaan oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Si kastaba, Jarmalka ayaa kamid ah dalalka sida wayn u taageera dowladda fedaraalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, gargaarka, horumarinta, caafimaadka iyo waxbarashada.