Puntland oo shaacisay cidda ka dambeysay weerarkii Boosaaso iyo tallaabo ay qaadeyso

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hadashay weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarkaas oo loo adeegsaday qaraxyo ayaa waxa lagu qaaday xarun ganacsi oo ay laheyd shirkadda Al-Macruuf, waxayna Puntland sheegtay inay ka dambeeyeen kooxo argagixiso oo farriisin ku leh buuraleyda gobolka Bari, taasi oo ay ula jeedo Al-Shabaab iyo Daacish oo iyadu ku xooggan halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gashaanle Sare Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay weerarkaasi ayaa waxa uu sheegay in ujeedkiisu ahaa cabsi galinta ganacsatada magaalada Boosaaso, si ay kooxaha argagixisada ugu meel-maryo lacagaha baada ah ee ka qaadan ganacsatada.

Taliye Shire ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in la hayo xogo ku saabsan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi oo lagu qaaday xarun ganacsi oo iska laheyd shirkadda Al-Macruuf.

“Shirkadaha xawaaladaha, bangiyada iyo kuwa isgaarsiinta waxaa uga digaynaa inay akoono u sameeyaan koooxaha doonaya inay lacago baad ah ka qaataan ganacsatada (kuwa Puntland),” ayuu yiri Taliye Shire oo si adag uga horyimid lacagaha baada ah ee kooxaha argagixisada sida xoogga ah uga qaatan ganacsatada.

Ugu dambeyntiina waxa uuu sheegay in maamul ahaan ay qaadayaan tallaabooyin looga jawaabayo hanjabaadda lagu hayo ganacstada gobolka Bari, si looga badbaadiyo dhagarta kooxaha argagixisada, sida uu sheegay.

Ganacsatada Puntland ayaa wajahaysa halis uga imaaneysa kooxahaas, gaar ahaan kooxda Daacish oo halkaasi ku xooggan, waxaana lasoo warinayaa inay xirmeen xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo lagu soo rogay.

Dhawaan ayey aheyd markii Al-Shabaab iyo Daacish oo isku heysta maamulka iyo arrimaha dhaqaale uruursiga ay ku dagaalameen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo tobanaan dagaalame ay isaga dileen.

Ciidamada Puntland ayaan wax duulaan ah ku qaadin kooxahaas ku sii tarmaya gobolka Bari, waxaana xusid mudan in weerarro toos ah, qaraxyo iyo dilal gaadmo ah ay ka geystaan magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ka mideysan dhaqaale uruursiga iyo handadaada ganacsatada, waxayna sidaas ku helaan dhaqaale badan, maadaama dadka ganacsiyada leh ay dhiibaan wixii la weydiisto.

Si kastaba, sida la fahamsan yahay illaa hadda ma jirto dowlad ama maamul ka difaaci kara ama amnigooda kafaala qaadi kara ganacsatada Soomaaliyeed, hadii ay diidaan baada ay weydiisanayaan kooxa argagixisada ah, waxaana loogu hanjabaa in la dilayo, hadii aysan dhiibin dhaqaalaha ay sheegtaan.