Guterres oo shaaciyay in Xasan Sheekh uu kala hadlay ‘khatarta’ khilaafka maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo Talaadadii booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada.

Guterres oo hadal u jeediyay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga wada-hadleen sidii nidaamka Qaramada Midoobay ay usii wadi lahayd taageerada Soomaaliya, si loo sii ambaqaado horumarkan wanaagsan.

Waxa uu sheegay inuu hoosta ka xaariiqay muhiimadda ay xilligaan leedahay in wada-shaqeyn xooggan ay dowladda federaalka la yeelato dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, si looga hortago khataraha amni ee ka imaanaya kooxda Al-Shabaab, oo dagaal uu kaga socdo qeybo kamid ah dalka.

“Waxaan bogaadiyay dadaallada Madaxweynaha ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres.

Gutteres ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lixdii sanno ee la soo dhaafay tan iyo booqashadiisi hore, uu xilligaan arkay horumar laga gaaray xagga nabadda, amniga iyo horumarka waara.

“Waxaan jecelahay inaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadka Soomaaliyeed uga mahad-celiyo sida diiran ee la ii soo dhoweeyay. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ku soo laabto iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.”

Waxa uu intaasi sii raaciyay “Tani waxay tahay anigoo sii wada dhaqankaygii sannadlaha ahaa ee booqashooyinka is-garabistaagga ee Ramadaanka, oo ka soo billaabatay waqtigii aan ahaa Wakiilka Sare ee Qaxootiga.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayo sida ay dowladda uga go’an tahay xuquuqda iyo matalaadda haweenka, isaga oo baaqay in si buuxda loo dhaqan-geliyo xeerna laga soo saaro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee doorashooyinka.

“Saaxad rayid ah oo ammaan ah oo loo wada dhan yahay waxay lagama maarmaan u tahay maamul wanaaga waxayna gacan ka geysan kartaa ka hortagga iyo dhimista rabshadaha. Ka qayb-galka buuxa ee saaxadda siyaasadda oo ay ka qayb-galaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay dib-u-eegista dastuurka ayaa lagama maarmaan ah.”