Sawirro: Baaritaan ku socda DFS kaddib markii laga war helay inay soo iibsatay gantaalada SA 7

New York (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Xafiiska QM ee Adeegga Mashaariicda “The UN Office of Project Services eeUNPOS“ oo lagu magacaabo David Bax ayaa dhawaan soo saaray Warbixin muhiim oo uu ku sheegay inay Dowladda Federalka Somalia soo iibsadeen Gantaalka Lidka Diyaaradaha ee nooca SA 7.

Wargeyska Inner City Press oo dabagal ku sameeyey Warbixintaasi, ayaa waxa uu arrintaasi wax ka weydiiyey Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay.

Nicholas Kay waxa uu tilmaamay inay eedeymahaasi weli ku jiraan baaritaano, isla markaana uusan haatan wax war ah ka bixin karin.

Wargeyska Inner City Press ayaa sheegay inuu Nicholas Kay gacanta ku hayey qoraal yar oo uu ka akhriyey inay eedeymahaasi weli lagu hayo baaritaano.

Wargeyska ayaa mar kale weydiiyey Nicholas Kay  inay maqleen in la soo gebagebeeyey WarbixintaXafiiska QM ee Adeegga Mashaariicda “The UN Office of Project UNPOS  lana shaacin doono, waxa uu Ergayga ku jawaabay in waxa uu akhriyey ay wada yihiin waxa uu awoodo inuu sheego.

sa 3sa 2

Xigasho:  Inner City Press