Xog: Odawaa oo ku fadeexoobay shirka Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” uu waji gabax kala kulmay Ergooyinka ka qeybgaleysa shirka ka socda Cadaado.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirka uu Ergooyinka ka hor cadeeyay in isaga uusan bixin wararka sheegaya in aan faragalin lagu sameynkarin Dastuurka KMG waxa uuna bedelkeedu sheegay in Gudiga Farsamada kaliya uu amray inay qanciyaan Ergada una sharaxaan waxa uu ku saleysan yahay Dastuurka.

Ergooyinka oo ka biyo diidan Siyaasada uu wato Odawaa ayaa waxa ay Wasiirka hordhigeen warqad uu isaga saxiixay taasi oo muujineyso in Ergooyinka aysan talo iyo tusaalaba ku laheyn Dastuurka kaliya looga baahan yahay inay rumeeyaan riyada lagu doonaayo in lagu dhiso Maamul Degdeg ah.

Warqada ayaa la sheegayaa inay ka koobneyd labo warqad islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiir Odawaa, balse markii uu shirka gaaray heerkii ugu xumaa kuraasna leysu garaacay ay la xumaatay qorista warqadaasi oo sabab u aheyd gacan ka hadalkii ka dhacay shirka Cadaado.

Ergooyinka oo tixraacaya warqadaasi ayaa Odawaa ku dhaliilay sida uu u fududeysanaayo kala geynta Ergada iyo Gudiga Farsamada, waxa ayna weli yihiin kuwo ku adkeysanaaya mowqifkooda ah in wax laga bedelo Dastuurka lagu soo dhoodhoobay Villa Somalia.

Dhanka kale, Ergada ayaa ku gacanseeray inay Odawaa ka aqbalaan in la hakiyo Khilaafka iyo Buuqa waxa ayna yihiin kuwo weli ku hanjabaayo inay isaga bixi doonaan shirka hadii aan gabagabada shirka ka hor la keenin xal ay ku qancaan dhamaan beelaha shirka ku lug leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com