Aqalka cad & Senate-ka Mareykanka oo lagu kala cararay kaddib markii la sheegay in laba BOM…!

Washington DC (Caasimada Online) – Qeybo ka mid ah Aqalka Cad iyo Senate-ka Mareykanka ayaa dadka laga saaray kadib markii lasoo diray telefoon ku saabsan in Bombooyin ay dhex yaalaan.

Qolka saxaafadda lagula hadlo ee Aqalka Cad ayaa dadka laga saaray, saacado kadib markii sidoo kale lagu kala cararay qeybta Senate-ka ee dhismaha congress-ka ama Capitol Hill-ka.

Baaritaanka la sameeyey kadib ayaa la ogaaday in wax bambooyin ah aysan jirin Aqalka Cad iyo Senate-ka, islamarkaana digniinta ay ahayd mid been abuur ah.

Labada telefon ee loo kala diray Aqalka Cad iyo Senate-ka ayaa la rumeysan yahay inay xiriir lahaayeen.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan dadka telefoonka soo diray waxaana ku socda baaritaan.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com