Galgaduud: Ahlu-Sunna oo deegaano hor leh la wareegtay (DF Soomaaliya oo xaal ku xun yahay)

Galgaduud (Caasimada Online)-  Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamaa Ahlu sunna ay la wareegeen deegaano horleh oo ku yaala bartamaha Soomaaliya.

Ciidamo hubeysan oo taabacsan Ahlu sunna ayaa la sheegayaa iney la wareegeen deegaanada Xaranbuuro iyo deegaano ku teedsan halkaasi oo lasheegayo iney tageen xalay.

Wararka dadka deegaanka inoo xaqiijinayaan ayaa  tibaaxaya  in ciidamada aysan wax dagaal ah la kulmin, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in iska hor imaad kooban oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Xaranbuuro.

Dadka deeganka waxa ay warinayaan in ciidamada Ahlu Sunna oo aad u hubaysan ay xalay ku hooydeen deeganadan, sidoo kalena dadka waxa ay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Maamulka Ahlu Sunna ee qabsaday magaalada Dhuusamareeb ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan dhaqangelin heshiiskii horay loo kala saxiixday ee ku aadanaa xabad joojinta iyo sii ambaqaadida wada hadalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka Ahlu Sunna ku qabsatay Magaalada Dhuusamareeb ku tilmaamtay mid nasiibdaro ah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com