Daawo Sawirrada: Dibadbax gilgilay Muqdisho iyo mootooyinkii ugu badnaa oo la soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho gilgilay dibadbaxyo ay dhigayeen Boqolaal kamid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhacay barxada daljirka dahsoon, kaasoo ay kasoo qeybgaleen darawalada bajaajka.

Wadayaasha Bajaajka ayaa ka cabanayay amar looga mamnuucay in Bajaajka adeegsadaan wadada Maka Mukarama iyo tan garoonka Muqdisho.

Sidoo kale waxay ka cabanayeen lacago baad ah oo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ay ka qaadaan xiliyada ay wadooyinka Muqdisho qaarkood isticmaalayaan.
1

2

3

4

5

6