Sawirro: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo maamulka Jubbaland kala wareegay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shalay kala wareegay dowlad goboleedka Jubbaland xaruntii uu ku lahaa magaallo xeebeedka Kismaayo gobolka Jubbada Hoose, xiili uu booqasho uu ku joogo Ra’iisul wasaare Xamza.

Ujeedka ayaa ah in dib u dayactir lagu sameeyo, kadibna dib-u-howlgeliyo, si adeegyada uu biyxo Bangiga Dhexe ee dalka loo gaarsiiyo deegaannada maamulka Jubbaland.

Munaasabadda wareejinta ee xarunta Bangiga Dhexe ee degmada Kismaayo waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo labaduba boggaadiyay tallaabada shalay la qaaday.

Waxaa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Xamza oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda.

Sidoo kale wuxuu maamulka Bangiga Dhexe ku ammaanay dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay sidoo kale Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saddexda mashruuc ee la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto saameynta isbeddelka cimillada ee Soomaaliya.