Soomaaliya oo loogu deeqay malaayiin dollar oo cusub

New York (Caasimada Online) – Ayada oo Soomaaliya ay ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo aad u adag oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ayaa waxaaa Qaramada Midoobay ay 5 milyan oo dollar ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Lacagtan ayaa wax looga qabna doonaa xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa ay intaasi ku dartay inay si dhow ula socoto dhibaatooyinka isa soo taraya bani’aadanimada ee ka dhashay xaaladda Elnino oo fara kulul ku haysa Soomaaliya.

“Shaqaalaha bani’aadantinimada ayaa shaqeeya habeen iyo maalin si ay uga jawaabaan baahiyaha isa soo taraya, iyagoo qaadaya tillaabooyin, si ay u yareeyaan saameynta degdega ah ee El Nino iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka UN-ka.

Deeqdaan lacageed waxa ay kusoo aaday, yada horay 25 milyan oo dollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dhexe loogu deeqay dowladda dhexe, taas oo iyana loogu talagalay wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka oo ay ku dhufteen daadad iyo fatahaado is wata.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa horay u sheegtay in daadadka ilaa hadda ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuna barakaceen in ka badan 900,000 oo qof

“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo al-Shabaab ka cararayay,” ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay saaxibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ka dalbatay in gargaar bani’aadanimo lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.