Xog: Xaalad halis ah oo soo wajahday guddoomiyaha golaha wakiilada PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa lagu soo warramayaa in haatan xaalad amaan ay soo wajahday, taas oo la xiriirta xiisada dagaal ee weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha oo laga soo duubay muuqaal qarsoodi ah “Off The Roccord” ayaa walaac xoogleh ka muujiyay xaaladda adag ee hadda lasoo daristay, sida laga dheehan karo Video-ga oo la duubay, xilli kulan la qaadanayay qaar kamid ah haweenka magaalada Garoowe.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shaaca ka qaaday inuu wajahayo xaalad cabsi ah oo la xiriirta noloshiisa, taas oo ka dhalatay khilaafka doorashada maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu diray qaylo dhaan deg-deg ah, si wax looga qabto arrimaha soo kordhay iyo xaaladdiisa, maadaama uu ka cabanayo arrimo amaan.

”Nin maskiin ah oo reer Sanaag ah baan ahay 80 gaari oo tikniko ah baa dushayda saaran, mucaaradku haday i yimaddaan way i kaxaysan karaan” ayaa ka mid ahaa hadallada uu ugu cawday guddoomiyihiu haweenkii la kulmay.

Guddoomiyaha oo sii hadalay ayaa sheegay in mucaaradka aysan u muuqaan guddiga doorashada iyo madaxtooyada, balse ay kaliya arkaan isaga, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankii shaqada gacanta ku hayay umaysan tagin sida Guddiga doorashooyinka PEC iyo madaxtooyada aadi maayaan ee aniga keliya ayay i arkaan” ayuu ku sii yiri muqaalkan sida qorsoon looga duubay, kadibna lagu sii baahiyay baraha xiriirka ee bulshada.

Si kastaba, hadalka iyo muuqaalka laga soo duubay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxayna dadku uga hadleen siyaabo kala duwan.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada hubanti la’aan ah oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan madaxweyne Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.