Mucaaradka Puntland oo caddeeyey mowqifkooda tallaabadii uu qaaday DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddi qaabilsan wada-hadalka arrimaha doorashooyinka oo uu xalay magacaabay madaxweyne Deni.

War-saxaafadeed ka soo baxay dallada Mucaaridka ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin wada-hadal dhab ah oo ku saabsan hirgelinta doorasho hufan oo nabdoon kuna dhacda wakhtigeeda 8 Jan 2024.

Mucaaridka ayaa ku tilmaamay guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni mid lagu xagal-daacinayo dadaallada ay hormuudka u yihiin odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo si uu u sameeyo mudda kororsi sharci-darro ah.

Dallada Mucaaridka ayaa sidoo kale ku baaqay in fursad la siiyo dadaallada nabad raadinta oo ay wadaan odayaasha dhaqanka SSC si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan muranka arrimaha doorashada islamarkaana aan laga hor dhicin dadaalkaasi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Dalladda mucaaradka Puntland waxa ay u taagantahay ilaalinta xasiloonida, midnimada, Shuruucdii lagu dhisay Dowladnimada Puntland iyo badqabka mawaadiniinta Puntland.

Dalladdu waxay horay u sheegtay haddana cadeeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorasho hufan, nabdoon waqtigeediina ku dhacda.

Hadaba, warqadii 27/11/2023 madaxweynahu soo saaray kuna magacaabay guddi wadahadal, dalladu waxay u aragtaa in ay ahayd mid is burineysa daacad-darrana ka muuqato, dhinac ka sheegaysa wadahadal dhinaca kalena ay ka muuqato rabitaankiisa mudda korarsi.

Dalladdu waxay mar walba tageeraysaa guddoonkii isimadu ay horay u gaareen 01/11/2023, waxayna soo dhaweyneysaa dariiq kasta oo nabadgalyo ah, laguna gaari karo qabsoomida doorashada madaxtinimada Puntland, in ay ku dhacdo waqtigeedii dastuuriga ahaa (08.Jan.2024) si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodabkiisa 79-aad.

Dalladdu waxay soo jeedinaysaa in fursad lasiiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Isimada Dhaqanka SSC-khaatumo, culimada, ganacsatada, haweenka, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Dalladu waxay shacabka Puntland ugu baaqaysaa inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhacda wakhtigeedii 08.01.2024.

= DHAMMAAD =