Maxaa ka cusub dagaalkii Danab iyo ciidanka HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa Jowhar laga bilaabay xalinta dagaal khasaare badam heystay oo maalmo ka hor dhex maray ciidamada Danab ee Jowhar degan iyo booliska maamulka HirShabeelle.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, qeybta 27-aad G/Sare Maxamed-Amiin Aadan Cabdulle ayaa Jowhar u tegay xalinta wixii dhacay.

Dagaalkaan ayaa ka soo bilowday weerar la sheegay in ciidamada booliska HirShabeelle ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa Danab oo ku dhex sugnaa magaalada Jowhar.

Hal askari ayaa markaas laga dilay Danab, halna dhaawac ayaa looga qabtay, laakiin Danab oo ka careysan weerarkaas ayaa maalinkii dambe jidka u gashay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxaana la isku furay rasaas badan.

Khasaare u badan dhaawacyo qaarkood soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa ka dhashay halkaas, waxaana ka hadlay guddoomiye Luqmaan Xaaji oo dalbaday in jawaab cad uu taliska ciidanka xoogga ka bixiyo weerarkaas.

Guddoomiye Maxamed-Amiin oo fagaare kula hadlay ciidanka Danab ee Jowhar ku sugan ayaa saraakiisha iyo askarta kula dardaarmay in aysan xabad dambe ku ridin cid aan cadowgooda, sida Al-Shabaab.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kormeeray oo fagaare kula hadlay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle, isagoo yiri “Dhiigga bini’aadamka lama daadiyo, hadii aad wax saxeyso, ha sameyn qalad kale oo kaga dhigin arrinta qalad qalad ku sax,” ayuu yiri.

Maalmahaan guddoomiye Maxamed-Amiin ayaa ku sugnaa Jowhar, si xal looga gaaro qalalaasihii ka dhacay magaalada iyo isku dhacyadii ciidan ee cabsida ku abuuray dadka shacabka ah.

Hoos ka daawo