Daawo: Al-Cadaala oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka oo lagu soo dhaweynayay ku biirista Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Al-Cadaala ayaa ugu horreyntii khudbaddiisa diiradda ku saaray ammaanka Muqdisho oo isbeddal laga dareemayo iyo dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay in guul laga soo hooyay.

Sidoo kale  waxa uu tilmaamay inay jiraan dad dano gaara leh oo siyaasiyiin ah oo dhammaan kasoo horjeedo horumarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaad ogtihiin oo la socotaan, iyada oo waxaas oo wanaag ah ay waddada ka socdaan in weli dalkeena uu haraadi ku yahay dhaqanka ah in lugaha la’isku dhago” ayuu yiri.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku Maah-maahay “In kastoo loo baaqo oo loo sheego barwaaqo dadbey meeli bugtaa”.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in aysan dhageysan dadkaas baahinaya fikradaha aan u wanaagsanayen dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed leeyahay mugdi iyo iftiin waa kala cad yihiin kuwa nuucaas ah ee marin habaabinta u taagan u duceeya in Ilaaheyn iimaanka uu geliyo” ayuu raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda isbeddalo waa weyn oo uu ugu horreyo amniga oo natiijo wanaagsan laga gaaray, kadib dadaallo ay la timid dowladda federaalka Soomaaliya.