Sawirro: Bashiir Goobe oo la kulmay dhigiisa dalka Kenya + Maxay kawada hadleen?

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya gaaray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa waxaa magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay dhigiisa Kenya Isaya Osug, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya.

Labada Taliye ayaa isla soo hadalqaaday sida loo wada hormarin lahaa shaqooyinka Talisyada iyo in dowlada Kenya ay Somalia ka caawiso Horumarinta dhinacyada Xabsiyada, dhaqancelinta iyo tababarada guud ahaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay Akadheemiyada Ciidanka Asluubta Dowladda Kenya oo ku taalla Counting Kiambu.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xaflada ka sheegay in Kenya ay ku hormartay dhanka Xabsiyada iyo cadaalada.

Sidoo kale, waxaa isla xaflada goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Kenya oo isna halkaa ka jeediyay Khudbad.