Maxaa kasoo baxay kulankii R/W Kheyre iyo kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka?

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass, kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan.

Waxaa diirada lagu saaray kulanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarinta dowlad wanaaga, waxa uuna Ra’isul wasaare Kheyre kulanka ka sheegay in Somalia ay ku taameyso isbedel dhan waliba ah.

Kheyre waxa uu sheegay in kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass, uu xaqiijiyay inay ka go’antahay garabsiinta Somalia, sida dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasada, Horumarka iyo Amniga.

Nuqul kamid ah qoraalka Khayre uu kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa u qornaa “Wada hadalka aan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka waxa uu ahaa mid jawi wanaagsan ku soo dhamaaday, ujeedka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa caawimadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa jiray kulamo kale oo aan la yeeshay masuuliyiinta dalkan.”

Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirkaasi caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka.

Waxa uu Kheyre sheegay in shirkaasi uu ifafaalo u yahay horumarada ay Somalia kusii talaabeyso, waxa uuna cadeeyay in adduunka dhan ay hordhigi doonaan rabitaankooda.

Geesta kale, 6-dii March ee bishan Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka uga qeyb galay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlay Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com