Sawirro: Beesha Abgaal iyo Nick Kay isku raacay dhisme maamul federaal + Maqaamka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan noociisa ah kii ugu horeeyay ayaa shalay dhex maray ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay  iyo xubno isugu jiray Siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad iyo qeybaha bulshada oo metalayay Beelaha Abgaal, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen arrimaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo xaaladda Gobolka Banaadir.

Xubnaha kulankan dhinaca beesha u horkacayay waxaa ka mid ahaa:

Laba ka mida ra’iisal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxayna labada dhinac ka doodeen arrimaha kala ah:

1- Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

2- Maqaamka Caasimadda Muqdisho

kay iyo abgaalLabadan arrimood ayaa muran badan ka taagnaa iyadoo siyaasiyiinta qaarkood ay qabaan in la isku daro saddexda Gobol oo hal maamul ay yeeshaan. Kulanka oo la sheegay inay dalbatay beesha ayaa wararku sheegayaan in sidoo kale looga hadlay dardar gelinta maamulka Hiiran iyo Sh/dhexe iyo qaabka awood qeybsiga beelaha wada dega goboladaasi.

Mr Nicholas Kay ayaa u sheegay xubnahan uu la kulmay in fikir ahaan uu qabo in la is raacsiiyo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isla markaana Gobolka Banaadir maqaam gaar oo laga tashato uu yeesho.

kay iyo abgaal 2Mas’uuliyiinta la kulmay Nicholas Kay ayaa sheegay in bulshada deegaanka ay diyaar yihiin oo ay waqti badan ku bixinayaan dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Gobolka Banaadir uu istaahilo inuu Maqaam gooni yeesho, iyadoo loo marayo in dadka deegaanka ay helaan xaquuqdooda aas aasiga ah.

Waxaa kaloo kulanka laga sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay gobolka midnimada, isku xirka bulshada iyo xudunta Dowladnimada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com