Guddigii farsamada ee shirka Cadaado oo la kala diray (Halis soo wajahday Puntland iyo Guuleed)

Cadaado (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha ee saldhigga u ah shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee ka socda degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa shaaciyay inay kala direen oo ay baabi’iyeen guddigii farsamada shirka oo ay magacawday dowlada Federaalka.

Guddiga oo ay madax u ahayd Xaliimo Yarey ayaa horeba loogu eedeeyay inay la safan yihin musharax C/kariin Xuseen Guuleed, waxayse odayaasha dhaqanka ku eedeeyeen guddigan inuu kala saari waayay degaanada loo sameynayo maamulka goboladda dhexe oo odayaashu ku adkeysanayaan inuu ka kooban yahay labada gobol ee Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa jira warar sheegaya in guddiga ay si hoose ula shaqeynayeen Puntland si maamulka looga dhigo hal gobol iyo bar.

Tallaabadan ayaa xaalad cusub oo is mari waa’ ah gelineysa shirka aan weli ergadiisa la qeybin, waxayna keeni kartaa inay sii xumeyso xiriirkii Puntland iyo maamulka la dhisayo.

Waxaa faraha dowladda federaalka kasii baxaya shirka Cadaado oo ku socda qaab odayaashu keligood awoodda leeyihiin.

Waxay kaloo arrintan cusub halis ku keeni kartaa rajadii musharaxa C/kariin Guuleed oo dad badan ku lahaa guddiga.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay dhisi doonaan guddi farsamo ah oo cusub, waxayna caddeeyeen in maamulka la dhisayo ka kooban yahay laba gobol oo buuxa Mudug iyo Galgaduud.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo ka mid ah madax dhaqameedka shirka Cadaado ayaa arrintan VOA uga warramay.

Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com