Xasan Sheikh “2016 Waxaa dhacaya doorasho ka duwan middi leygu soo doortay waana mid ah…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin waqti kororsiga la hadal hayo iney sameyneyso dowladiisa.

Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay Wargeyska Xaqiiqo Times oo kasoo baxa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaliya marnaba aysan qorsheyneynin iney sameyso waqti kordhin.

“Shacabka waxay arkaan howlaha balaaran ee arsan, ma arkaan howshii aan soo qabaneyso, annaga marnaba ma qorsheyneyno inaan waqtiga kororsano”ayuu Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay ku faani karto hergelinta Nidaamka Federaalka oo muddo sideed sano ah la wadday qorshahaasi, laakiin dowladiisa ay hadda ku guuleysatay.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud, ayaa sheegay in dowlada uu madaxweynaha ka yahay ay wax badan ka qabatay arimaha ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sanadka 2016 ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay iney dalka ka dhacdo doorasho ka duwan middi lagu soo doortay oo aheyd in xildhibaano ay soo codeeyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com